AWOODA AQRISKA.

 


AWOODA AQRISKA.



Kusoodhawaw mid kamid qormadeena midka kuwa ugu cajiibsan oo aan blogger keena

maanta kudaalicidoono haduu alle idmo sida ku aragtay ciwaanka waxaana kahadli doonaa

awooda aqriska runtii waa mowduc xasaasi ah, nebigeena scw waxa ugu horeyey

ee lagu dhahay waxay ahay iqra oo micnaheedu tahay aqri, faa'iidada aqrisku 

ma'ahan mid lasoo koobi karo ama kudhameyn karo qormadeena maanta

hase ahaatee waxaan kasheegi doonaa faa'iidoyinkiisa qeyb kamid ah

1. Kobcinta maskaxda: aqrisku wuxuu kobciyaa maanka iyo garaadka qofka.

2. Sareysiin: aqrisku fa'iidoyinkiisa waxa kamid ah in uu qofka noqdo qof kamuqda

ama kasareeya asagiisa.

3. Kor uqadida aqoonta: aqrisku wuxuu kor u qadaa aqoonta qofka wuxuuna kacawiyaa 

aqriska inuu concept kahelo shalay,maanta iyo beri.

4.Wuxuu yareeyaa stress ka: aqrisku faa'iidoyinkiisa waxaa kamid ah inuu yareeyo

depression ka iyo stress ka qofka waayo wuu kamashquliyaa intaba.


waakan sh mustafe oo kahadlaya faa'iidada aqrisku....




Aqrissku wuxuu kadhigaa qof kaweyn da'diisu hadaba faa'idoyinkiisa ma'ahan 

mid halkan lagu koobi karo sidoo kalana ma'ahan mid leeska indho tiri karo 

waayo qofwalba fiyow wuu garanayaa fa'iidadiisu hadaba su'aasha waxay tahay

sidee isku bari kartaa aqrisku halkan hoose kabogo qodobadaas.


SIDEE AQRISKU U BILAWAA/AANA U JOGTEEYAA?

1. Jadwal sameyso: jadwalku wuxuu kacawinayaa inaadan dhowr buug isku kaa furmin

midkastana kudhameyso si bilaa wareer ah islamarkaana kudhameyso

2. 30 Minute: kubilaw daqiiqada sodonka ah sababtoo ah bilawgu wuu adagyahay.

3. Xulashada: xulo mowduuca aad xiisayso buugaagta aad aqriska kubilawayso 

kadhigo waxyabaha adigu jeceshahay waayo malagayaabo inad kacajisto.

4. Joogtaynta: midkamid ah qodobka ugu muhiimsan joogtayntu waa inaad 

joogtaysaa aqriska tan waxay sababaysaa inaad jeclaato aqriska.


Halkan kadaawo mowducaan oo lafo gureysa coach maryama





ugu danbayntii faa'iidoyinka aqrisku ma'ahan mid aan halkan kusoo koobi karo 

balse waxaan katilmamay aan isleeyahay inta ugu muhiimsan, sidaas darteed 

waxaan qormadaan qaas ugu xusayaa dhalinyarada oo runtii lex jecli igahayso

waayo waan ogahay qiimaha dhalinyarnimada waxaan niigu baqayaa idinka iyo

anigaba in aan dhayalsan aqriska oo ayna maalinteenu dhamaan inaga oo aan

wax yar kororsan sidaas darteed aan kudadaalno aqriska wllayaal isaga ayaan

caqabada maanta kaga gudbi karnaa sidoo kalana duruufta wadankeena 

ugula tartarsiin karnaa wadamada hormaray ee maanta hogaanka caalamka haya


Hadaynu nahnay umadda soomaliyeed runtii waxa nalagu tilmaamaa ummad

aan wax qorin sidoo kalana aan wax aqrin, hadii u fiirsato soojeedinta nalagu soo

jeediyey waa mid muuqata runtiina ah mid wax kajiraan, maanta wee adagtahay 

taariikhda wadankeena hadii aan damacno in aan wax kabarno aynan helayn 

buugag badan oo laga qoray taariikhahayna oo dhameystiran runtii aniga waxaan 

xaqiiqsaday soojedinta nalagu soo jeediyey inaan nahanay ummad aan wax qorin 

islamarkasna wax aqrin waan xaqiiqsaday, hadana waxaan rajaynayaa in jiilka

inaga danbeeyo in ay wadadeyna marin.


dhamaad


https://abkow10.blogspot.com/2025/01/sidee-waqtiga-ugu-faaiidaysan-kartaa.html

Post a Comment

Previous Post Next Post