kalsoonida mid kamid ah qormadeena kan ugu muhiimsan maanta waxaan qaadan dhigi doonaa
kalsoonida oo aad kaga bogan doontoo su'alahan jawabtooda
1. Waa maxay kalsoonida nafta?
2. Maxaa lagu gartaa qofka bilaa kalsoonida ah?
3. Maxaad wajihi doontaa hadii aad tahay bilaa kalsooni?
4. Sidee loo helaa kalsoonida nafta?
1. Waa maxay kalsoonida nafta?
Kalsoonidu naftu waa dareen aad aminsantahay naftada iyo awoodahada ba.
kalsoonida nafta waa mid kamid ah waxa ugu horeeya ee qofka adanaha ah
laga rabo waayo kalsoonidada oo aad dhistaa waxay ka maro kacaysaa sida aad
ugu diyarsantahay chalanges ka dunida tan kula kulmayso.
hadaba kalsoonidu ma'ahan wax afka lagasheegto mana'ahan wax uu qofkasta
si sahlan kuheli karo, laakiin hadii aad tahay bilaa kalsooni ma'ahan wax adiga
kaqorsoon sidas darteed waxaan kugula talin lahaa inaad dhameysato qormadan
waxana ku balan qaadayaa hadad dhameyso soo booqashadada kuma qasaari doontid.
2. Maxaa lagu gartaa qofka bilaa kalsoonida ah?
Badanaa qofka bilaa kalsoonida ah waxaa jira waxyaabo ay common kuyihiin oo
aad kadheehan karto aragtida koobaad aad kulantaan waxaana kamid ah
A. Eye contact la'aan markad shekeynaysaan waxaad arkaysaa in uu indhaha kuu dhameystiri karin.
B. Hadaladiisa oo aan organized garaysnayn micnaha hadaladiisa ma'ahan hadalo
toosan oo kahadlaya qodob/qodobyo waana calamadaha ugu badan ee laga dheehdo.
C. Wuxuu kabaqaa isdhexgalka dadka badanaa waa dad kali socod ah oo aan asxaabtiisa
wax kudarsan karin sido kalana wax u cuntamayna dadka dhexdooda aan iska diidi karin.
D. Socod xumo/posture xumo badanaa waa qof madaxiisa hoos ah sidoo kalana qaabka
uu u fadhiyo/u taganyahay kamaro kacysaa sida bilaa kalsoonida uu u yahay.
intaan waa inta ugu caansan ee laga dheehdo qofka bilaa kalsooni nafeedka ah.
3. Maxaad wajihi doontaa hadii aad tahay bilaa kalsooni?
Hadaba aqristow hadii aad tahay bilaa kalsooni waxaad wejihi doontaa caqabado aan u
kala saari karo mid internal/gudaha ah iyo mid external/dibada ah.
Internal/gudaha sameynta gudaha waxaa kamid ah islahadal, aaminaad aad aminto inaadan
ixtiraam haysan, qof cadho badan, kuwaan aya ah kuwa ugu caansan ee gudaha kadarenmayso.
External/dibada sameynta dibada aad kala kulmayso waxaa ugu caan inaad noqoto
qof hadalkiisa laqadariyo, qof la ixtiraamo, qof talooyin laga soo doonto, iyo inaad lumiso
asxaabtada lasocodkooda, iyo inaadan hayn awood dadka kaga muuqato.
4. Sidee loo helaa kalsoonida nafta?
Kalsoonida waa mid fudud inaad hesho kaliya waa inaad raacdaa aqristow talooyinkaan hooos
kugu xusi doonaa oo aad u dabaqdaa sidaan kugu qorayo.
A. Kasoo bax goobada: micnahayga kasoo dhex bax qolka aad kaligaada xeratay oo aad
u soo dhaqaqdaa dhanka dadka oo aad noqotaa qof ku wanagsan la dhaqanka dadka
oo aadan kabaqin soo dhexgelida dadka.
B. La dagaal fikradaha xun xun ee aad ku haysato maskaxdada kuna badal fikrado positive ah.
C. Natada cafi hilmaam waxyabahagii hore naftada hogaami adiga oo keen fagaaraha dadka.
D. Waqtigada ugu badan gasho dadka positive ka ah ama dadka ixtiraamka kuhayaa adiga.
E. Dabaq caadooyinkada cusub mudo 21 maalmood ah.
F. Baro xirfada ladhaqanka dadka ama communication skills ka.
G. Noqo qof posture/qaab wanagsan u taagan ama u fadhiyo waxay ka turjamayan heerka kalsonidada.
H. Hakabaqin qaladadka iyo dhaliisha kaga imanaya dadka kaliya kabaro casharo.
Hadii halahan ila soo gaartay aqristow waxaan rajaynayaa mowduucaan in kucawiyey
sido kalana kaheshay halkan hoose ha hilmamin kadawo mid kamid ah prof dalka oo kahadlaya
Sidoo kale casho hore oo aan halkan soo galiyey daalaco mahadsanid booqashadada,,,,
https://abkow10.blogspot.com/2025/01/sidee-looga-guleystaa-balwada.html
https://abkow10.blogspot.com/2025/01/sidee-isbedel-loo-sameystaa.html
https://abkow10.blogspot.com/2025/01/waa-maxay-caqabadaha-dhalinyarada.html
https://abkow10.blogspot.com/2025/01/sidee-qorsho-loo-sameystaa.html
https://abkow10.blogspot.com/2025/01/waa-maxay-guul.html
Post a Comment