SIDEE WAQTIGA LOOGA FAA''IIDAYSTAA?
Markale iyo cashirkeena sidee waqtiga looga faa'iidaystaa waxaana kaga bogan doontaa
qormadaan sida waqtiga ugu faa;iidaysan lahayd iskuday inaad ila joogtid ilaa
dhamaadka qormadan aqristow mahadsanid, ku soo dhawaw markale qormadan cajiibka ah,
waqtigu waa waxa ugu qaalisan uu qofkasta aadana ah uu haysto qofkastana wuxuu haystaa
24 saacaadood balse waxaa farqiga ah ayaa ah in qofkasta oo kawada faa'iidaysan
hadaba maaraynta waqtiga waa u muhiim qofkasta oo rabo dunidaan inuu meel
kagaaro waqtiga ka faa'iidaysigiisu mawada garanayaan dadka dhamaantood inyar moyane
halkan aan kuwada eegno faa'iidada waqtiga
waqtigu faa'iidadiisu ma'ahan wax halkan lagu soo koobi karo balse aan ka sheegno inyar
waqtigu waa nolosha ayaa la dhihi karaa runtii noloshada oo lunto waxay la micno tahay
waqtigada oo qasaarisay, hadaba waqtigu waa noloshada waana qasab inaad ka faa''idaysato
waqtigu oo aad ka faa'idaysataa waa noloshada oo guleysata, faa'idada waqtiga waxaa garanaya
qof shalay ka faa'idaysan balse maanta ka qomameynayam shalaygu ugu horeeya ee
bini'adamka shalayaan waxaa kow ka ah sida waqtiga iskaga dayacaan runtii maanta waxaad
arkaysaa dhalinyaro badan oo aan waqtigooda ka faa'idaysan oo fadhi kudirir kuhaya
meelaha iyo in kubad natiijo lahayn waqtigodii kudayacayaan, hadaba horaa loo yiri
"shalay mahoreyso ee wee danbaysaa" inta aadan shalayn beri hada ka faa'idayso
waqtigada oo maareyso waqtigada si aad noloshada guulo lataban karo u gaarto.
Hadaba dhalinyarnimadada waxaa kusiidheer waqtiga balaaran aad hada haysato
Waxaan kuboorinayaa aniga iyo naftayda ba in aan ka faa'iidaysano waqtiga hadii aad
hanti lagu siin lahaa keena nagu caqliga badan wuu maalgashan lahaa soma ahan
hadaba hantiile waatahay waayo waqti ayaad haysataa maalgasho asaga kubaro xirfado,
shqeyso gelin hadii aad shaqo heli karto hana hilmamin waqtigada waxa aaqiro ku
anfacaya inad ku maalgashato, ugu danbayntii waxaan rajaynayaa hadii aad halahan ila
soogartay aqristow inaad fahantay qiimaha waqtiga iyo sida aad ugu faa'iidaysan lahayd.
Inta aadan shalayn beri maalgasho waqtigada nebiga scw markuu lahaa shan ka faa'iidayso
inta aadan shan kale lakulmin waxaa ka mid ah ka faa'idayso waqtiga kahor dhimashadada.
qiimaha waqtiga waad garanaysaa ha iska lumin oo ka faa'idayso.............
dhamaad
booqo linkigaan si aad casharka mid u eg ugu daalacato mahadsanid,,,,,,,,,,,
https://abkow10.blogspot.com/2025/01/fursadaha-maka-faaiideysataa.html
Post a Comment