WAA MAXAY CAQABADAHA DHALINYARADA MAANTA HAYSATO?

 

Waa maxay caqabadaha haysta dhalinta maanta?


caqabadaha dhalinta maanta haysato ma'ahan mid aan qormadaan kudhameyn karo 

balse waxaan qormadan kugu sheegi donaa 8 qodob oo aan isleeyahay 
wee ugu wacanyihiin dhibaatada maanta haysato dhalinta.
1. Aaminaad la'aanta: dhalinyarada dalkeena ma aminsana inay iyaga yihiin 
kan isbedelka iyo hormarka laga rabo, tan waxay jaanis weyn unoqotay 
odayaasha inay qaataan doorkii dhalinta kuna qasbaan in kaliya sugaan waqtigooda.
2. Saameynta: wadankasta caalamka waxaa saameyn taban/togan kuleh dhalinyaro
runtii dhalinta maanta midna malahan saameyn togan ama mid taban ba.
3. Dhaqaalaha: doorka dhalinteena maanta ee dhanka dhaqaalaha waxaynu 
isku koobnay kaliya dhaqaalo aan karadino kaliya bajajta, macquul ma'ahan 
anagoo tamar haysana sido kalana waqtigeena jogna in kaliya bajaaj kadaba wareegno.
4. Balwada: runtii qodobkaan waa qodobka ugu muhiimsan ee dhalinta maanta la
dhibataysan yihiin, waxaad arkaysaa dhalinyaro isticmalaya maandooriyayaasha
kuwooda ugu qatarta badan sida qamriga,taabuuga,khaadka,iyo kaniiniyo kushegaan 
dejiye iwm, isticmalkas sameyntiisa waa mid kamaquuta gudaheena waxaana kuwaynay
dhalinyaro badan oo runtii ahaa ubaxii dalka iyadoo aan u sababeyn karo tani dowlada oo 
aan rabin in xoog iska saarto sida loo mamnuuci lahaa maandooriyayaasha, dhalinyarooy 
cid runtii idinka fikirayso mahaysataan sababta maandooriyayaashaan wadanka 
ugu badanyihiina waa in awoodiina maskaxeed iyo mid jireedba in lagu dhantaaliyo.
qodobkaan waa qodobka igu dheer oo aan qorayo sababta oo ah waxaan ogahay 
heerka qodobkaan kuyahay dhalinteena.
halkaan waxaan kusoodhigay video oo runtii kahadlayaa dhibaatooyinka 
balwada nuucyadeeda kala duwan sh. maxamed sh. cabdiweli soojeediyey



5. Dhohanaan: waxaynu ka dhoohannahnay nimcada ugu weyn ee maanta aan haysano
oo ah dhalinyarnimada, rasuulka scw markuu lahaa shan ka faa'idayso inta shan kale 
kuqabsan waxaa kamid ahaa dhalinyarnimadada ka faa;iidayso gabowga kahor
runtii weynu kadhohannahnay sido kale qeyradka wadankeena bad iyo bari ba.
6. Hagid la'aan: dhalinyarada maanta mahaystaan hage dhab ah waana sababta 
dhalinyaro badan u garanaynin halkee usocdaan.
7. Social mediaha: dhalinta maanta social media sidee u isticmalaan bas kaliya 
in wax laga dawado iyo in ay iskucayaan, social media badanaa dhalinta wax
kama bartaan sidoo kale lacagna kama sameystaan runtii waana qodob mudan in
laga wacyigeliyo loona sheego in social media aha wax naftooda anfacaya ku isticmalan.



 8.Qabiilka: qabyalada wee nagu faafaysaa maanta heer waxaynu jognaa 
dhalinta qabyalad barteen waxaana ka arki kartaa heerka dhalinta looga guleystay
oo iyagii larabay in iswalalsadan ladhexdhigay qabyalad, qabyaalad doogsi maleh 
waxay dumiso moyee dhalinyarooy qodobkan aan iska wacyi gelino oo aan
kafogaano qabyaalada iyo naceybka siyasiyiinta hormarkiina rabin idin barayan.





https://abkow10.blogspot.com/2025/01/sidee-qorsho-loo-sameystaa.html

 

Post a Comment

Previous Post Next Post