BARO KALMADA MAYA!

 


BARO KALMADA MAYA!



Markale iyo qormadeena maanta oo aan kagahadlidono kalamada "maya" waxaana 

kaga hadlidoonaa inta ugu kooban ee aqristaheenu fahmikaro.


Ugu horeyn markan kahadleyno kalmada maya waa erey afar xaraf ah kaas oo 

awood u leh inuu joojiyo ereyo badan oo iskutageen iyagoona ah kalmado ama jumlooyin

waa jawaab gaaban oo diidmo ah taas oo aan hadalkale kuqorsonayn.

Ereyga maya ma'ahan erey dadka dhami isticmalan ilaa qof adag oo awood uleh inuu 

wax iskadiido weliba waxa aan u cuntameyn.


Maya kudheh waxa aan kuu cuntameynin adigoo u fiirineynin qofna, waa sax waxaad

kuweynaysaa dad badan lakkin waxaadan weyneynin sharaftada, habaxo qofka baxaya

laakiin markasta sharaftada ayaa ah waxa kulajogaya iyada ayaana kaga baahan ilaalin.


Maya kudheh qofka raba inuu kugu adeegto hanoqon qof markasta loosoo wacdo

in uun lagudangaaro markasta rabitaankada ayaa kaga baahan ixtiraam hanakabaqin

inaad kutirahdo maya waayo soojeedintada waxaa iiga muuqata uun dantaada taas 

waxay kadhigaysaa in qofkasta kugu soo degdegin aad lahaado awood shaqsiyeed oo adag.


Maya kudheh waxkasta oo hadafkada kadhabeyntiisa kahortagan sida caajiska, isdhiibida

iyo in kusameynkarto fikrahada toban ee daka kaga imanayaan, maya kudheh waxkasta

oo lid ku'ah shaqsiyadada hormarkeeda si aad u noqoto qof kadhabeeya ahdaftiisa.


Baro xiliyada layiraahdo maya iyo haa, tusaaale hadii uu qof kagabahdo caawimaad 

hanoqoto in goob u tilmaamid tahay ama in aad ka awood roontahay hakudhihin markas

maya oo bedelkeeda kudheh haa oo qofkaas caawi.


daawo muuqalkan oo kahadlayo awooda maya by yassir mukhtaar




ugudanbeyntii inaad maya afkada barto kamadhigeyso qof liita xaqiiqdii inaad maya tiraahdo 

waxa aan jecleynin ama ku cuntameyn waa lamahoraan waxaana noqonaysaa qof shaksiyad

adag leh oo naftiisa ixtiraam u haayo, waxaana rajaynaa in maya barto afkaada sidoo kalana

taqaano xaladaha maya la isticmaali karo,        




https://www.abkow10.site/2025/02/xog-quruxda-hasawaha-shukaansiga.html


Post a Comment

Previous Post Next Post