DHIBAATOOYINKA QOYSKA/FAMILY PROBLEMS!

 

DHIBAATOOYINKA QOYSKA/FAMILY PROBLEM!




Kusoodhawaw markale aqristow qormadeena maanta oo aan kaga gorfaysan doono

mid kamid mowduucyada kuwooda ugu xasaasisan ee bulshada wajahaan, family 

problems ka waa dhibaatooyin badanaa ee wajahaa dadyowga caalamka waxayna 

dhibaatooyinka ugu  badan gaaraan ubadka waxayna kuyeelataa dhibaatooyin muuqda

iyo dhibaato dhanka maskaxda ah.


MAXAA SABABA BURBURKA/DHIBAATOOYINKA QOYSKA?




  • DHAQAALAHA: Qodobkaan runtii waa qodobka ugu badan ee keena dhibaatooyinka qoyska

    dhaqaalaha oo noqda ku aan ku filnayn qoyska ayaa waxay keentaa in dhibaatada kadhaliyaan

    haweenka waayo sida caadiga ah qoyska wuxuu dhaqaalihiisa ku tiirsanyahay aaabaha hadii

    uu doorkaas kagabiyo aabaha waxaa kadhalata nooca dhibaatadaan, si uu u dhicin dhibaatada

    nuucaan waa in uu aaabaha noqdaa mid dhaqaalihiisa ugu badan kudaboola qoyska taasna

   waxay yaraynaysaa in hooyada dhibaato dhalin,

  • XIRIIRKA: Xiriirka hooyada iyo aabaha oo xumaada waxaa kadhasha asna dhibaatooyinka

  qoyska runtii asna waa qodob kale ee sameyntiisa leh xiriirka oo lawanajiya ayaa looga

  badbaadaa dhibatadaan, hadalada wanagsan iyo ixtiraam ayaana kadhasha xiriika wanagsan.

  • QANACSANAANTA: In hooyada iyo aabaha ee noqdaan kuwa aan iskuqanacsanayn waxay 

  dhashaa dhibaato qoys, waxaana keena hooyada iyo aabaha oo xoog layskugudaro 

  iyaga oo aan israbin, taa bedelkeed waa in ay  ka shaqeeyaan inay noqdaan kuwa isku qanacsan,

  • MASUULIYADA: In hooyada iyo aabaha midba midka kale masuul isasaarin oo isdhexyaac

  katagaan ayaa keenta sidoo kale dhibaato qoys, waa in masuuliyad huwadaan walidiinta

  si dhibaatada qoys ugu badbaadaan midba midka kale garto masuuliyadiisa.

  • QORSHEYNTA: In hooyada iyo aabaha qorsho degsan oo ay yihiin bilaa qorsho taasna 

  waxay dhashaa dhibaato qoys, waa in familyga qorsho isbuucle, bile, sanadle intaba leeyihiin.

  • KALSOONIDA: In hooyada iyo aabaha yihiin bilaa kalsooni waxay dhashaa family problem

  waa in waalidka kalsooni kuwada joogaan midba midka kale uu ku kalsoonyahay.

  • CADHADA: In hooyada iyo aabaha ee qaataan go'aanada iyagoo caraysan waxay keentaa

  burbur qoyseed waa in ayna qaadan go'aano iyagoo xanaaqsan si ay ugu badbaadaan dhibaatadaan.


10 qodob ee keena burburka qoyska by sh abdirahman bashiir




Ugudanbayntii qoyska waa masuuliyad weyn ee qofkasta qaadi karin balse u baahan

qof dhab ah ee kago'antahay musuuliyadaas inuu qaado qaasata waxaan si khaas ah

ugu durayaa warkaan raga runtii iyaga masuulnimada lagarabaa, raga kiisa adag

ayaana dhabarka urita masuuliyadaas waxayna kaga bahantahay adkaysi iyo cadhadaada

oo aaadan go'aan kuqaadan, qoyska dhisidiisa way yara fududahay balse joogtaynta

jititaanka qoyskaas ayaa ah wax adag hadaba aqristow qormadeena maanta halkaan

ayaan ku ekeynayaa wixii intaan dheeri ah faalada hoose noogu reeb mahadsanid....




https://www.abkow10.site/2025/02/saaxiibtimada.html


Post a Comment

Previous Post Next Post