HORUMARKA BULSHADEENA: MAXAA INAGA HORTAAGAN?
Bulshada horumarkeedu waa mowduuc balaaran oo u baahan si qotodheer in loo falanqeeyo
haseahatee waxaan kaga hadlidonaa in kooban islamarkaana waxtar u ah aqristayasheena.
Bulsho horumarkeedu waxaa saldhig u ah waxbarasho tayo leh, hogaan wanaagsan, dhaqaale
kobcaya iyo dad iskudooban oo horumarkooda siwadajir ah ugu dadaalaya.
Hadaba horumarka bulshada somaliyeed maxa hortaagan? waxaana kagahadlayaa qeybeyna hoose.
1. Waxbarashada iyo aqoonta
Mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee bulshadeena haysta waa waxbarasho la'aan, runta
waxbarashada wadankeena ma'ahan mid manhajadeysan islamarkaana dhalinta loogu baro
qeyraadka iyo taariiqda wadankooda taas cagsigeeda waxaa looqoraa taariikhda wadamada
jaarkooda ah iyo wadamada kafog, waxbarashada oo noqoto mid tayeysan ayaa horumariso
bulsho hubka ugu weyn ee wadan lagu burburiyo waa waxbarashada sidaas darteed
qodobkaan waa usaldhig xalintiisa si bulshadeenu u hormaraan.
2. Hogaanka iyo maamulka
Runtii hogaanka maamulka maanta kajira gayigeyna somaliyeed ma'ahan hogaankii
kuhabonaa islamarkaana bulshada iskuhaynayey taas cagsigeeda waa hogaan kudhisan
kalafogeynta bulshada sidanahooda ugu fushusistaan bulshada waxayna ku astunsanyihiin
masuq maasuq heerka sareysa, hadaba si loohelo bulsho horumarsan waa in hogaanka
maamulka kuwahaya noqdaan kuwa ka daacad ah xilkooda islamarkaana kashaqeya
iskukeynta bulshada iyo iskuheyntooda ba si bulshadeena loo hormariyo.
3. Dhaqaale xumo iyo fursado shaqo la'aan
Bulsho aan dhaqaale xogan lahayn wee adkanaysaa inay horumar gaarto bulshadeenana
runtii dhaqaalaheedu aad buu uliita iyadoo taas ugu wacan in siweyn bulshadeenu
ugu faa'iidaysan qeyraadka dalkooda iyo waxsoosarka dalkooda anagoo inbadan
kutiirsan dhaqaalaha dibeda inooga imaado taas oo canshuur xad dhaaf ah korta iyadoo
keenta sicir arar mararka qaar ee bulshadeena kacawdaan.
Geeska kale runtii bulshadeena waxaa haysta shaqo la'aan iyagoo dhalinta shahaadooyinkooda
derjiinada xafadahooda lafadhiyaan. Hadaba si dhaqaalaha bulshadeenu u kobacdo waa in
ganacsiyada yar yar oo ladhiiro geliyo sidoo kalana lagu dheerado waxsoosaarka dalka in
bulshadeenu lagu baraarujiyo intaas kadibna noqdaan bulsho daacad isku ah horumarkoodana
siwadajir ah u wadajecel kana dhab ah ladagalanka saboolnimada.
4. Iskaashi la'aan iyo midnimo la'aan
Bulsho iskaashi iyo midnimo lahayn runtii manoqon karaan bulsho horumar gaara.
Bulshadeena iskaashi la'aanta iyo midnimo la'aanta waxaa ugu wacan kalaqeybinta
dhexdooda taala iyagoo isku kala qeybiya qabaa'ilo macqul monoqon karto bulsho
heerkaas ah in bulshoyinka caalamka la tartamaan. Hadaba bulshadeenu waa in ay noqdaan
bulsho kaxor ah takoorka iyo qabyaalada islamarna noqdaan bulsho iskaashi iyo midnimo
dhextaala iyo xoojinta dareenka wadaniyadeed waxay sare u qadaysaa horumarka bulshada.
ugu danbeyntii horumarka bulshada waxay ku xerantahay sida aan ugu gudubno caqabada
hada nahaysta hanoqoto hogaan xumida, waxbarasho, la'aanta iyo caqabad kasta oo hoos
u dhigeysaa horumarka bulshadeena.
Si bulshada hormarkeeda loohelo ugu horeyn adiga noqo qof door kuleh bulshada
si bulshooyin horumar wada doon ah loo helo...
Waxaan rajaynayaa in bulshadeenu kudaydaan bulshoyinka caalamka oo ay kagudbaan
marxalada jaahilnimo ay hada dhex mushaxayaan oona ugu horeeyo qabyaalada oo
runtii inaga reebtay dadyowga caalamka horumarka wadagaaray.
Post a Comment