QABYAALADA!



QABYAALADA❕




Qabyaaladu waa cudur kamid ah cudurada dilaaga ah ee aadanaha ama bulshada waxayna 

horsaydaa ugu danbeyntii isgumaad iyo naceyb ba'an iyo istagoorid ee bulshada istagoraan

ilaa ugu danbeyntii midba midka kale uu dhigiisa xalaleysto.

Qabiilku ma'ahan ceeb waana wax laysku garto ee bulshada iskufahmaan sida illaahay inoogu

sheegay qur'aanka "dadow waxaan idinkayeelay shacbi iyo qabiilo iyadoo ujeedku yahay inaad 

isku aqoonsataan". U jeedku qabiilku waa intaas uu allah inoo sheegay moona dhihin isku tagoora

ama iskulayaa qabiilku, soo waxlayaab ma'ahan in qabiil qof kujeclaato ama kunacdo isagoo

qofkaas dooran qabiilkaas inuu kadhasho uu allah weyne inoo dooray hadaba jahligu kiisa

ugu daran ayuu kamid yahay qabyaaladu. halkaan waxaan kula wadaagayaa qeyb kamid 

ereyada gabayada loogahadlay qabyaalada:

    • Dugsi maleh qabyaaladu waxay dumiso moyee. (abwaan timacade)
    • Waa qabyaalad waxa looqaribay qaran wanaagiye. (abwaan ismaaciil max'ed)
    • Quruun walba cudur qaas ahoo qeybiya jira'e, somalidu bala loo qoraye qalinka loo saaray wax qabiil kadaran jahanamaan qiray aqontayde. (abwaan abshir bacadle)
    • Somaliyey walalayalow xigtooy qarabooy ehelow dagaalama waan kasnaye isdaaya magaran karnaa, qaxoo dida waan karnay, miyeyna daga aqoon. (abwaan shube)


    Qabyaaladu waxay kamid tahay waxyabaha maanta qaranimada somaliyeed dib udhigaya 

    iyadoo heerka qabyalada wadankeena gaartay in dowladnimada dhisideeda ba qabiil loo eego

    qof qabiil loogu dhiibay xil umadeed hada layaab manoqon karta in maslaxada umadiisa u adeego.

    Maanta heerka qabyalada wee dhaaftay heerkii shalay ahayd maanta qabyaalada waxay 

    ku faaftay meelwalba ee dagana somalida xitaa waxay gartay dadyowgeena daga qurbaha.


    Runtii ummada somaliyeed ismadiidana balse waxa qeybiska iyo qabyalada kuwada waa

    tiro yar uu isugu jiraan nabadoono, siyaasiin iyo ganacsato qaar oo danahooda kadhax eegta 

    qeybinta dadka iyo qabyaaladeyntiisaba badanaa waxay afeeyaan dhalinta iyo dadyowga kale

    ee bulshadaas ah si afkartooda u dhexmarsiistaan waxayna sababtaa in hooyo iyo wiilkeeda

    iswayaan aabo iyo gabadhiisa iswayaan nin iyo naagtiisa iswayaan, dhalintaas uu loo hubeeyey

    qabiil badanaa makahelaan nacfi hadana dhibta iyaga ayaa weheshada.


    muxuu abwaan hadraawi kayiri qabyaaladu halkan kadawo...



    Ugu danbeyntii qabyaaladu waan aragnay waxay gasho iyo waxay gudo waxaan aqristow kaga

    digayaa qabyaaladu waayo aduun iyo aaqiro waxba lagumahelo u fiirso qofka qabiilkiisa 

    ugu dificaadi badan xitaa qayim iyo sharaf kuma dhex laha qabiilkiisa, sidaas darteed iima muuqata

    sabab aa heerkaas dhan qabyalidiiste loo noqon karo, qiyamkada iyo sharaftada waa inta aad 

    kafogtahay qabyalada, tan micnaheeda kama wado qabiilkada nac balse qabiilka jecelkiisa

    yeyna indhaha karidin oo ha u dhibatayn qabiil kale ee somaliyeed.


    Seddex ayaa tol laguyahay


    1. Nin qatan quudintii                2. Nin qaldan qabashadii                3. Nin quman quweyntii


    Hadaba intaas ayaan kusoo gabo gabaynaa qormadeena maantaa oo aan kaga gorfaysane 

    qabyaalada waxaana isleeyahay inaad carab dhaway inta ugu muhiimsanayd...



    https://www.abkow10.site/2025/02/falsafada-iska-indho-tirka.html

    Post a Comment

    Previous Post Next Post