SAAXIIBTIMADA!
kusoo dhawaaw qormadeena maanta oo aan kaga gorfeyn doono ciwaanka kor nooga xusan
ee ah saaxiibtinimada, waxaan rajaynayaa in qormadeena maanta aad wax ka faa'iidi doontid
waxaana kaga hadlayaa ciwaanada hoos kuxusan.
1. Waa kuma saaxiibka dhabta ah?
2. Noocyada saaxiibka.
3. Saameynta saaxiibka xun.
WAA KUMA SAAXIIBKA DHABTA AH?
Ugu horeyn qofkasta oo aadana ah wuxuu leeyahay asxaab ama saaxuub manajiro
qof intaas lahayn casriga maanta balse su'aasha isweydiinta leh ayaa ah waa kuma saaxiibka
dhabta ah? marka laga hadlayo saaxiibka dhabta ah waa kan kaga dhaw asxabta inta kale
badanaa waxaad wadaqabataan shaqo isku mid ah maalintiina na madhamaato ilaa aad
gorfaysaan qodobyo hab masaafo dhaw ama hab masaafo dheer intaba.
Saaxiibka dhabta ah waa kan markasta garabkada ah xaalad kasta ee aad wajahayso saaxiibka
dhabta ah waxaa lagu sifayn kara sida walalkaada oo kale.
NOOCYADA SAAXIIBKA
- Saaxiib dhib iyo dheef leh.
- Saaxiib dhib moyee dheef lahayn.
- Saaxiib dheef leh dhibna aan lahayn.
- Saaxiib dhib iyo dheef midna aan lahayn.
Aqristow hadii aad aad ugu fiirsato saaxibadada waa afartan nuuc mid kamid ah
waxaana rajaynayaa inaad heshay ujeedada booqashadeed ee qormadeena maanta.
Asxaabtada oo aqoon xeeldheer u yeelataa waxay ka cawinaysaa hore usocodkada
maanta iyo kan beri ba waxaana rajaynayaa inaadan dhayalsan awooda saaxiibka
marar badan dhagahaagu way maqleen labadaan hore ayee saaxiibo u ahaayeen
iyagoo mid kamid ah kan kale u dulmanyahay, saaxiibku waa hooskaada
hooskana markasta lama helo saaxiibada qaar waxaad heshaa markaad baraaran tahay
garo saaxiibkada oo afarta qormo hore aad u fahan.
SAAMEYNTA SAAXIIBKA XUN
Saaxiibada xun had iyo goor waa kuwa qatartooda wadata waxayna dhibaatayn karaan
naftaada, sidoo kale waa kuwa qiyaano badan oona sabab u ah dib u dhacyo badan ee maanta
kusugantahay runtii ma'ahan wax la dhayalsan karo dhibaatooyinkooda.
abwaankii hore wuxuu u yiri:
"DHALINYARADA KULA AYNIGA AH LAGAMA DHEERAADO HADANA KII
DHABADA SEEGAN OO DHOOHAN LAMA RAACO"
Abwaanku wuxuu ula jeedaa inaad lasocoto dhalinta isku lootka tihiin balse kii wado xun
oona dhoohan inaadan raacin, taas micnaheedu waa inaadan raacin asxaabta xun.
Ugu danbayntii ka feegjignaw saaxiibka xun ee markasta u tagaan baabi'inta sumcadada
iyo sharaftadaba, sidoo kale cadowga kusoo raaca, sidoo kalana dhibta meelaha
wanaagada lagu xusayo taa bedelkeeda jecel amaanta naftiisa iyo in asiga uun
lasheeg sheego, waxayna sidoo kale leeyihiin astaamo inta aan xusay kabadan
balse aan isleeyahay inta ugu muhiimsanayd inaan carab dhaway, waxaana jeclan lahaa
inta wixii dheeri ah inaad faalada hoose noogu dhaafto oo fikirkaada ah
Halkaan hoose kadaawo channalka ogaansho o kahadlaya asxaabta xun.
dhamaad
Post a Comment