WAXKABARO HOGAAMINTA/LEADERSHIP KA
Hogaaminta mid kamid ah qormooyinkeena kuwooda ugu xiisaha badan oo aan halkan
maanta kulafo guridoono haduu alle idmo, kusoo dhawaw aqristow qormadeena maanta..
Waxaana kaga hadli doonaa si kooban oo aan isleeyahay waxay u tahay waxtar aqristayashada
1. Waa maxay hogaamin/leadership?
2. Astaamaha hogaamiyaha.
3. Hogaamiyaha wanaagsan iyo hogaamiyaha xun.
1. Waa maxay hogaamiye/leadership?
Waa awood hogaamineed ee bulsho islamarkaana saameyn kuyeelatid iyadoo u jeedado
tahay gaaris hadaf cayiman kaa oo u dagsan bulshadaas.
Hogaamintu waa xirfad cajiib ah oo runtii u baahan inuu qofka yeesho, hogaamintu umabahna
awood iyo da intaba balse waxay kuxerantahay qofka astamaheeda leh, hogaamintu waxay
leedahay dhankeeda wanaagsan iyo dhankeeda xun yacni magac hogaamin waa labixi kartaa
ama lagu yeeri karaa laakiin inaad hogaaminimadada noqoto hogaamiye wanaagsan ayaa ah
hogaaminimo.
2. Astaamaha hogaamiyaha.
- Iskuxere: hogaamiyuhu waa kan iskuxera bulshada uu hogaaminayo kan ugu sareeyo iyo kan ugu hooseeyo waana astaamaha badanaa lagu yaqaan hogaamiyaha.
- Dejinta qorshayaasha: mid kamid astaamayaasha hogaamiyaa waa dejinta qorshaha uu kushaqeynayo bulshada uu hogaaminayo.
- Control ka: sidoo kale astaamihiisa wwaxaa kaloo kamid ah inuu ku controlo qorshayaasha uu u dejiyo islamarkaasna ilaa qorshoyin fula kanoqonayaan.
- Qof dabacsan: astamayaasha sidoo kale waxaa kamid ah inuu ahaado qof dabacsan oo aan amar adkeyn waana farqiga u dhaxeeyo maamulaha iyo hogaamiyaha maamuluhu waa amar bixiye halka hogaamiyuhu uu yahay caawiye dabacsan.
- Go'aan gaare: hogaamiyuhu waa inuu noqdaa mid go'aan gaare ah oo awoodeedana leh uuna gaaraa go'aano markasta ufiican group ka ama bulshada uu hogaamiyo.
- Dhiiro geliye: hogaamiyuhu waa inuu yahay qof dhiirogeliya bulshada ama group ka uu hogaamiyo si ay kugu caawiyaan gaarida yoolalka qoran.
Hogaamiyaha wanaagsan waa mid dhiirogeliyo badan islmarkaan ah mid
marwalba lasocda group ka uu hogaamiyo sidoo kale wuxuu leeyahay
qorshooyin koobaad, labaad ama sedexaad, sidoo kale wuxuu ku
wanaagsanyahay xiriirka group ka uu hogaamiyo.
Hogaamiyaha xun waa mid intaas hore lid ku ah sida maamul xumada
sidoo kale dhiirogelinta ma'ahan mid leh, sidoo kale hogaamiyaha xun
malahan qorshooyin cad oo u dejiyey group kiisa,
itaan ayaa ah farqiga ugu badan ee ladhihi karo waa u dhaxeeyaa hogaamiyaha
wanaagsan iyo hogaamiyaha xun ba.
Hadaba aqristow hadii aad halahaan ila soo gaartay waxaan rajaynayaa inaad
kabogatay qormadeena maanta oo ahayd hogaaminta,
Runtii ma'ahan mid aan halkaan kusoo koobi karo balse waxaan isleeyahay
inta ugu muhiimsan inaan kaga dhawaaqay ama aan ku muujiyey qormadeyda,
DHAMAAD
https://abkow10.blogspot.com/2025/01/makacabsataa-fagaaro-kahadalka.html
Post a Comment