XOG! QURUXDA HASAWAHA (SHUKAANSIGA)

 

QURUXDA HASAWAHA (SHUKAANSIGA)



Maanta qormadeena waxaan ku gorfaysan doonaa ciwaanka kor inoogu xusan oo ah

quruxda hasaawaha ama shukaansiga aan kaga hadli doono in kooban oo waxtar u leh 

aqristayasheena kusoo dhawaw markale qormadeena maanta.

Hasaawuhu waa sheekeysi wadasheehaystaan lab iyo dhedig ba iyadoo u jeedadu tahay 

in lamaano kunoqdaan nolosha, hasaawuhu dabiiciyan waa wadan walba daafaha caalamka

ah way kawada simanyihiin sababta ugu weyn loo aanayn karo ay tahay rabitanka rag iyo

dumar ba israbaan waana wuxuu eebaheena ugu talagalay rabitaankaas.

Hasaawuhu wadahasawaan raga iyo habeenkuba waa labo mid uun kuwa ka dhabeeya

hasaawahooda oo guur kagaara iyo kuwa aan kagaarin heer guur iyadoo labada kuxerantahay

badana hadba siday dabeecad ahaan iskuyeeshaan iyo in dabeecad ahaan isqilafaan taas oo

marka danbe dib ugu gurtaan shekeysigoodi iyagoo kabaqa sidee hasawuhu iskufahmiwayaan 

in nolosha guurka iskufahmiwayan.


Hasaawaha guuleystay




Hasaawha guuleystay waa hasaawe tanaasul badan kamuuqda oo midba midka kale ama

midkood tanaasuli og iyadoo u jeedada tahay in hasaawuhu mid guuleystay u noqdaan

waxay sameynayaan waxkasta hasaawahoodu ku guuleysan karo waxayna qaataan

waqti badan waayo waxay u bahanyihiin in dabeecad ahaan midba midka kale fahmo.

Lamanayaashaana sheeko wadaaga ah waa kuwa dhab kayahay xiriirkooda hasaawe

waxayna aad ugu baahiqabaan guurka kahor in ay sifiican iskufahmaan si noloshooda

guurka kadib noqoto mid daganaansho kudaremaan oo aan iskhilaaf badani jirin.

Lamanayaashaan hasaawo wadaaga ah waa kuwa xiriirkoodu sanado gaaraan 

laakiin ugu danbeyntii waa kuwa kamiro dhaliya dhafarkoodii badnaa iyo wadasheekeysigodii

sacadaha badnaa qaadan jiray iyagoo u badasha guur.


Hasaawaha guuldareystay



Hasaawaha guuldareytay waa hasaawe kudhamaaday kaliya wadahadal islamarkaana

aan guur gaarin waxaana sababa waxyaabo farabadan balse aan kaxusidoono qeyb kamid ah

1. Daneysi: hasaawaha nuucaan waa hasaawe kudhisan daneysi oo midba midka kale ama 

midkood dani qof ka kale ugula sheekeysto hadii ay noqon lahay in gabadhu ninka

ula hasawdo sidee qarash ugu heli lahayd ama in ninku ula hasaawo si gabdha jidhkeedu u helo.

2. Is ixtiraam la'aan: lamanayashaan hasaawo wadaaga ah ismaqadariyaan oo midba midka kale

maxishmeeyo qofka kale, hasaawe xishmad kudhisneyn waa fashilka hasaawaha.

3. Kalsooni la'aan: lamanahan sheeko wadaaga ah ma'ahan kuwa isku kalsoon midba midka

kale kalsooni kumaqabo taas oo marka danbe keynta hasawaha inuu fashilmo oo guuldareysto.


Ugu danbeyntii aqristow aan kuxasuusiyo calafka oo ah waxjira runtii oo kalageeyey

lamaano israba oo kalafogeeyey iyagoo isku qanacsan iskunafaraxsan balse calaf

kala hiiliyey, imisa aragnay qisooyin nucaas oo runtii kadhacday meel kasta bulsho degta


hadaba waad kumahadsantahay aqriskada mahadsanid.........................



 

Post a Comment

Previous Post Next Post